Shiinaha ayaa tijaabiyay gantaal nooca kuwa meelaha fog gaara
Shiinaha ayaa tijaabiyay gantaal nooca meelaha fog gaara ee loo yaqaan kuwa riddada-dheer oo lagu riday badda baasifigga, saacado yar kaddib markii Australia ay heshiis cusub oo dhinaca difaaca ah la saxiixatay Fiji.
Beijing waxay sheegtay in tani ay tahay “qayb caadi ah oo ka mid ah tijaabooyinka sannadlaha ah ee militariga Shiinaha”, balse tijaabadan waxay ka careysiisay dalal deris ah oo ay ku jiraan Japan, New Zealand iyo Australia.
Canberra waxay ku eedeysay Shiinaha in uu “xasillooni darro ka abuurayo” gobolka, inkastoo saraakiishu ay sheegeen in aysan rumaysnayn in tijaabadani jawaab u tahay heshiiska cusub ee amniga.
Australia ayaa sanadihiii u dambeeyay ku dadaalaysay in ay xoojiso xiriirka difaaca ee ay la leedahay dalalka deriska la ah si ay uga hortagto saameynta sii kordheysa iyo awooda militeri ee shiinaha ku leeyahay gobolka.
Wasiirka Difaaca Australia, Richard Marles, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ku sheegay in Beijing ay Canberra ku wargelisay qorshaheeda tijaabada gantaalka saacado yar ka hor inta aan la fulin.
Wasiirka arrimaha dibadda New Zealand, Winston Peters, ayaa sheegay in tijaabadan ay ahayd “mid aan la aqbali karin oo su’aalo badan dhalinaysa”, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay wadahadallo la yeelan doonto waddamada ay iskaashiga leeyihiin ee Baasifigga.























