Home WARAR Xulka Morocco oo noqday Dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo u...

Xulka Morocco oo noqday Dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo u gudbay Wareegga 16 ee Koobka Adduunka 2026

0
43

Xulka Morocco oo noqday Dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo u gudbay Wareegga 16 ee Koobka Adduunka 2026

Xulka Qaranka Morocco ayaa noqday Dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee u gudba wareegga 16ka Koobka Adduunka 2026 kaddib markii xulkaan uu gool ku laad (Rigooro) uga soo adkaaday Dalka Netherlands ciyaar la isla aaday waqti dheeraad ah.

Morocco ayaa soo afjartay saadaashii Netherlands inta badan la siinayay ee la xiriirtay in ay gaari karaan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka 2026 waxa ay sidoo kale muujisay in meel sare ay gaari karto.

Netherlands waa xulkii labaad oo Yurub ah oo laga reebo Koobka Adduunka 2026 wareegga 16 in ay u gudbaan, waxaana ka horreeyay Dalka Jarmalka oo guuldarro kala kulmay dhiggiisa Paraguay oo gool ku laad ku raacay.

Koobka Adduunka 2026 oo sannadkaan la kordhiyay Xulalka ka qaybgalaya waxaa la sugayaa xulal kale oo ku hara wareegga 32da iyo kuwo u gudba wareegga xiga ee 16ka, waxaana ilaa haatan gudbay xulalka Canada, Brazil, Morocco & Paraguay.