Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo Bad-la’aanta Itoobiya ku Tilmaamay Cadaalad-darro
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay inuu aad uga shallaayo xaalada bad-la’aanta ah ee Itoobiya haysata, taas oo uu dalkiisu ku jiray muddo 30 sano ah, tan iyo markii ay kala go’een dalka Eritriya oo la wareegay baddii iyo dekedihii.
Ra’iisul Wasaaraha oo waraysi gaar ah siiyay ETV ayaa muujiyay sida ay murugo weyn ugu hayso in Itoobiya aysan marin badeed lahayn. Wuxuu sheegay inuu muddo dheer u ololeynayay in Itoobiya hesho marin badeed.
“Sida ay Itoobiya ku weyday badda, waxay igu tahay walaac weyn,” ayuu yidhi. “Markaan leeyahay waan ka murugooday, dadka qaar waxay u maleyn karaan in ay tahay arrin dhowaan igu dhalatay, balse muuqaalada layga duubay 15 sano kahor ayaa caddeynaya mowqifkayga joogtada ah.”
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay wajahday khasaare weyn oo dhanka dhaqaalaha iyo istiraatiijiyadda ah, isagoo tilmaamay in waddanku heli karay marin badeed iyo deked isagoo aan dhib u geysanayn dalal kale.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay xaaladda bad-la’aanta Itoobiya “cadaalad-darro aan hore loo arag” marka la eego taariikhda caalamiga ah ee waddamada aan bada lahayn, wuxuuna ku baaqay in loo helo xal iyada oo loo marayo wadahadal.
Itoobiya ayaa sanadihii u dambeeyay xooga saartay dadaallada ay ku doonayso inay ku hesho marin badeed iyo deked ay alaabaha kala soo degto. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa si gaar ah isha ugu haya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sanadkii 2024, Itoobiya oo ka duuleysa baahideeda badeed, waxay heshiis ay ku helayso saldhig ciidan iyo marin badeed la gashay Somaliland. Heshiiskaasi wuxuu si weyn uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya madaama oo Somaliland ay aqoonsi ku badalatay heshiiska badda.
Bilo kaddib, waxaa dhacay heshiis uu Turkigu dhexdhexaadiye ka ahaa oo u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa, taasoo keentay in hoos loo dhigo heshiiskii hore ee Somaliland.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in Itoobiya la siiyo marin badeed, sida ku cad heshiis ay si wadajir ah u shaaciyeen.
Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda waxba lagama fulin. Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska kadib dhowr jeer ku celisay in ay Itoobiya u oggolaan karto kaliya heshiis ganacsi, balse aysan ogolayn wax ka baxsan.