Faaidooyinka Sinjibiisha Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Ay La Dagaallanto
Sinjibiishu waxa ya ka mid tahay dhirta dhaqan ahaan iyo cilmi ahaanba la isla qirsan yahay in dawo ahaan loo isticmaali karo, taariikh ahaanna muddo dheer ayaa uu aadamuhu geedka Sinjibiisha u isticmaalayey dawo ay kula tacaalaan xanuunno badan. Dhinaca kalana cilmiga casriga ahi waxa uu qirsan yahay in dawo dhireedka la hubaa ay ka tayo badan tahay dawada sancayska ah kana khatar yar tahay maadaama oo aanay ku jirin isku-dhisyo kiimiko ahi.
Macaanka:
Daraasado caafimaad oo kala duwan ayaa dadka macaanka qaba kula talinaya in ay cabbaan cabbitaan ka samaysan sinjibiisha, kadib markii la ogaaday in koob sinjibiil karsan ah oo subaxdii la cabbaa uu hoos u dhigo heerka macaanka dhiigga ku jira.
Caloosha
Sinjibiishu waxa ay awood u leedahay in ay caloosha ka saarto naqaska (Gaasta) waxaana la aaminsan yahay in ay tahay geedka ugu fiican dhinaca dabiibista khalkhal caloosha ku yimaadda. Sidoo kale Sinjibiishu waxa ay dabcisaa muruqyada caloosha, waxa aana loo isticmaali karaa daweynta bakteeriyada keenta shubanka.
Caafimaadka wadnaha:
Sinjibiishu waxaa loo adeegsan karaa xoojinta caafimaadka wadnaha, maadaama oo ay yarayso heerka dufanka (Kalastaroolka) ee dhiigga ku jira, kaas oo khatar ku ah wadnaha, xididdada dhiigga iyo guud ahaan caafimaadka qofka. Sidoo kale sinjibiishu waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga, taas oo ka dhigaysa hormoodka dhirta iyo caleenta kala duwan ee caawiya xoojinta caafimaadka wadnaha.
Digniin: In kasta oo ay sinjibiishu dhiigga ka ilaaliso in uu guntamo, taasina ay u fiican tahay dadka dhiigkarka qaba ama miisaankoodu badan yahay, haddana waxa ay khubarada baadhitaannada ku sameeyey ka digayaan in aad ay jidhka ugu badato si aanay meesha uga wada saarin xinjirowga dhiigga oo muhiim ah.
Hargabka iyo dhaxanta:
Faa’iidooyinka caafimaad ee sinjibiisha waxaa ka mid ah in ay xoojiso hab-dhiska difaaca ee qofka, Sinjibiishu waxa ay badisaa dhididka, dhidid badan oo qofka ka yimaaddaana waxa uu ka mid yahay dawooyinka dabiiciga ah ee qabowga iyo hargabka.
Ka hortagga Kansarka:
Cilmibaadhis ay samaysay Xarun Kansarka ka shaqaysa oo ka tirsan jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in sinjibiisha budada ahi, ay disho unugyada kansar ee gala ugxaanta dhalmada.
Daraasado kalana waxa ay daahfureen in sinjibiishu ay si weyn u curyaamiso koritaanka unugyada Kansar ee midhicirada. Dhinaca kalana waxa ay khubarada isku-daweynta dhirtu caddeeyeen in sinjibiisha loo isticmaali karo daweynta caabuqa xubnaha. Laf dhabarta oo saliid Sinjibiil lagu duugaana waxa ay caawisaa in xanuunku uu ka yaraado qofka.