Maraykanka & Yukrayn oo sheegay in askar u dhalatay Kuuriyada Waqooyi lagu dilay Kursk
War kasoo baxay Dowladaha Maraykanka iyo Yukrayn ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Kursk ee dhaca Xadka in lagu dilay laguna dhaawacay Ciidamo katirsan kuwa Kuuriyada Waqooyi oo garab siinayay Ruushka.
Waaxda Difaaca Maraykanka Pentagon ayaa sheegtay in howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen kuwa Yukrayn balse lama shaacin inta ay gaarsiisan yihiin ciidamada laga dilay Kuuriyada Waqooyi & kuwa laga dhaawacay.
Maraykanka oo garabsiinaya Yukrayn ayaa dhowr jeer sheegay in Xukuumadda Moscow ay dagaal gelisay kooxo calooshood u shaqaystayaal ah oo laga kala keenay dalalka xulufada la ah Dalka Ruushka si uu u kordhiyo weerarrada ka dhanka ah Kyiv.
Ma jiro war kasoo baxay Kuuriyada Waqooyi & Dowladda Federaalka Ruushka oo looga hadlay arrintaan, Moscow iyo Pyongyang ayaa hadallo marar habaabin ah ku tilmaamay wararka laga qorayo dhankooda maadaama xaqiiqada ka fog yihiin.