RASMI : Sacuudiga oo martigelinaya Koobka Adduunka 2034
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku guuleysatay in sanadka 2034 marka la gaaro ay martigeliso Koobka Adduunka, Dalkaan ayaa muddo u xusul-duubayay sidii uu dhacdadaan u qaban lahaa isaga oo dhaqaale badan ku bixiyay ka gungaarista go’aankaan.
Xukuumadda Riyaad ayaa u dabbaaldegtay markii la shaaciyay in ay ku guuleysatay martigelinta Koobka Adduunka, tani waxa ay markale fursad u weyn tahay Dalalka Carabta iyo kuwa Aasiya ku yaalla oo weli xusuusanaya martigelintii Qadar 2022.
Meelo badan oo kamid ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa ka billowday sidii Dowladdu ay usii billaabi lahayd dhismaha muhiimka ah oo ay dooneyso in ay kusoo jiidato daneeyaasha kubadda Cagta iyo maalqabeennada kale ee koobkaan doonaya in ay goobjoog u noqdaan.
Koobka Adduunka oo afartii sano mar la dheelo waxaa sanadka soo socda 2026 qabanaya Maraykanka, Maksiko iyo Kanada, halka tartanka xiga ee 2030 ay ku guuleysteen Spain, Portugal & Morocco oo dhacda Waqooyiga Qaaradda Afrika.
Hay’adda ugu sarreysa Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa sii shaaciso labada Koob ee soo socda si Dalalka ama Dalka ku guuleysta uu sii billaabo Dhismaha Garoomada, Hoteellada iyo meelaha kale ee muhiimka u ah Martida.