Ra’iisul wasaare Xamse “Waxaa la jooga markii awoodda loo celin lahaa Shacabka Soomaaliyeed, in qof la idiin magacaabayo way dhammaatay”

0
36

Ra’iisul wasaare Xamse “Waxaa la jooga markii awoodda loo celin lahaa Shacabka Soomaaliyeed, in qof la idiin magacaabayo way dhammaatay”

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay xaaladda guud ee dalka ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in marka la eego guulaha la gaaray ee dhinacyda Amniga, dhaqaalaha iyo Dibedda in loo baahan yahay isbadal lagu sameeyo nidaamyadii hore wax loogu soo dooran jiray.

“Markaan waa goortii awoodda loo celin lahaa Shacabka Soomaaliyeed, qof la idiin magacaabayo way dhammaatay, dowladda guulo badan ayay gaartay sidaasi darted meeshii shalay ma taagnaan karno” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir in ay helaan Matalaad iyo Madax ay soo doorteen.