Dowladda Niger: “Waxaan Tirtiray Magacyadii iyo Raadadkii Gumeystaha Faransiiska”

0
26

Dowladda Niger ayaa sheegtay in ay go’aan ku gaareen tirtirada raadadka iyo magacyada Faransiiska oo hore u gumeystay, iyada oo lagu badalayo magacyada dad sharaf ku dhex leh qaaradda Afrika, isla markaasna soo halgamay.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Dhaqanka Niger ayaa sheegtay in tillaabadani ay uga golleeyihiin in meesha laga saaro xusuusinta dhibaatada gumaysiga, isla markaasna aan dib loo arkin magacyada ku dhajisan wadooyinka iyo fagaareyaasha caasimadda dalkaasi Niamey.

Ugu horreyn waxaa la badalay wado hore loogu magac daray madaxweynihii hore ee Faransiiska, Charles De Gaulle, waxaana loo bixiyay magaca nin kale oo u soo halgamay xurnimada dalka Niger.