Xisbullah oo shuruud ku xirtay xabad joojin ay la gasho Israel

0
28

Xisbullah oo shuruud ku xirtay xabad joojin ay la gasho Israel

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa shuruud ku xiray heshiis xabad joojin ah ay la galaan Maamulka Israel, si loo dejiyo xiisadda labada dal.

Hoggaamiye Kixigeenka Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa sheegay in xabad joojinta lagu heli karo, iyadoo ay Israel joojiso xasuuqa ay ka waddo sida uu yiri Gaza iyo Lubnaan.


Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa sheegay inta ka horreyso in Xisbullah ay ka go’an tahay inay sii waddo dagaalka ay xoogageeda kula jiraan Ciidamada Israel.

Xisbullah ayaa daneynaysa in xabad joojin laga hirgeliyo Marinka Gaza, waana sababta ugu weyn ee ay dagaalkan ugu soo biirtay, inkastoo Israel aysan hadda taasi diyaar u ahayn.

Muuqaal uu soo duubay Naim Qassem ayuu ku sheegay in Xisbullah ay leedahay awood ay bartilmaameedyo kaga fulin karto dhulka Israel oo dhan, taasna ay caddeyn u tahay weeraradii dhowrkii maalmood ee ugu dambeysay ay ka fuliyeen waqooyiga Israel iyo weliba Tel Aviv oo dhacda bartamaha Israel.

Menu

Search for


Xisbullah oo shuruud ku xirtay xabad joojin ay la gasho Israel
News DeskOctober 16, 2024 2 minutes read
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa shuruud ku xiray heshiis xabad joojin ah ay la galaan Maamulka Israel, si loo dejiyo xiisadda labada dal.

Hoggaamiye Kixigeenka Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa sheegay in xabad joojinta lagu heli karo, iyadoo ay Israel joojiso xasuuqa ay ka waddo sida uu yiri Gaza iyo Lubnaan.


Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa sheegay inta ka horreyso in Xisbullah ay ka go’an tahay inay sii waddo dagaalka ay xoogageeda kula jiraan Ciidamada Israel.

Xisbullah ayaa daneynaysa in xabad joojin laga hirgeliyo Marinka Gaza, waana sababta ugu weyn ee ay dagaalkan ugu soo biirtay, inkastoo Israel aysan hadda taasi diyaar u ahayn.

Muuqaal uu soo duubay Naim Qassem ayuu ku sheegay in Xisbullah ay leedahay awood ay bartilmaameedyo kaga fulin karto dhulka Israel oo dhan, taasna ay caddeyn u tahay weeraradii dhowrkii maalmood ee ugu dambeysay ay ka fuliyeen waqooyiga Israel iyo weliba Tel Aviv oo dhacda bartamaha Israel.

Waxa uu soo hadal qaaday weerarka Axaddii ay Xisbullah ku qaadday Xerada Binyamina ee lagu tababaro Ciidanka Difaaca Israel, gaar ahaan Guutooyinka Golani ee ku taala koonfurta Magaalada Haifa ee waqooyiga Israel, iyadoo ay Xisbullah weerarkaasi u adeegsaday diyaarad drone ah, wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ka tarjumayo awoodda Xisbullah.

Ninka labaad ee ugu sarreya Ururka Xisbullah ayaa sheegay in weerarkaasi ay khasaare weyn ku gaarsiiyeen Ciidamada Israel, isagoona been abuur ku tilmaamay qirashada Israel ee ku aaddan in afar askari ay kaga geeriyootay weerarka, lixdan kalena ay ku dhaawacantay. Khasaaraha ayuu sheegay inuu intaasi ka badan yahay, balse ay Israel qarineyso.

“Marka tani waxay muujineysaa awoodda iyo go’aanka ay leeyihiin iska caabinta.” Ayuu yiri Naim Qassem, Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah.

Wuxuu kaloo sheegay in Isniintiina ay gantaaladoodu garaaceen Magaalada Tel Aviv iyo nawaaxigeeda, laba milyan oo qofna ay ku khasbeen inay gabaad u doontaan godadka dhulka hoostiisa ee gantaalada laga galo.

Naim Qassem ayaa ka dhawaajiyay in Xisbullah ay leedahay awood intaasi ka badan, lana arki doonto, haddii uu dagaalku sii socdo.

Waxaa uu muujiyay in shacabka Israel ay baqdin la noolaan doonaan, haddii aysan dowladdoodu qaadan go’aan ay ku joojineyso dhiigga dadka rayidka ah ee ay daadineyso.

“Xalku waa xabad joojin, kama hadlayno meel daciifnimo.” Ayuu yiri Naim Qassem oo reer Israel uga digay inaanan la joojin dagaalka.

“Haddii Israeliyiintu aysan dooneyn taas, waan sii wadi doonnaa.” Ayuu yiri Naim Qassem.

Qassem ayaa wacad ku maray inay kordhi doonto barakaca ay sameynayaan Israeliyiintii la deegaameeyay, ayna khatar geli doonto nolosha mallaayiin kale oo Israeliyiin ah.

Xisbullah iyo Israel ayaa muddo 12 bilood ah ku lug lahaa gantaalo isaga kala gudba deegaanada xuduudda ee labada dal, ka hor inta aysan Israel bishan ku dhawaaqin hawlgal dhinaca dhulka oo laga sameynayo gudaha xuduudda Lubnaan.

Xisbullah ayaa muddo dheer ku adkeysaneysay inaysan joojin doonin weeraradeeda gantaal ee Israel, illaa iyo inta laga soo afjarayo duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Israel oo aan dhageysan dalabka Xisbullah ayaa dagaalka ku fidisay dalka Lubnaan oo dhan, taasoona gantaalihii xuduudda u bedeshay dagaal fool ka fool ah oo ciidamadeeda iyo kuwa Xisbullah ku dhex maraya dhulka xuduudda. Sidoo kale waxay tani kordhisay cabsida laga qabo dagaal aan waxba la isku reeban oo gobolka ka dhaca.

Ururada kale ee hubeysan ee gobolka ayaa ku hanjabay inaysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan Israel, inta uu socdo xasuuqa Gaza.

Joojinta colaadda Gaza ayaa xilligan muhiim u ah in la xakameeyo xiisadda aan caadiga ahayn ee ka jirta Bariga Dhexe.