Xiisad dagaal oo ka dhex taagan labada Kuuriya & Maraykanka oo dabka hurinaya

0
25

Kuuriyada Waqooyi ayaa qaadday tallaabo dhalisay xiisad cusub oo gilgishay Gobolka kaddib markii ay qarxisay waddooyin u dhaxeeya xadka ay la wadaagto Kuuriyada Koofureed oo ay horay u kala go’aan labadaan Dal.

Ujeedka keenay in Kuuriyada Waqooyi ay qarxiso waddooyinkaan si dhab ah looma shaacin balse wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay jirtay Dingiin ay dirtay Kuuriyada Koofureed maalin kahor inta aan la qarxin.

Kuuriyada Waqooyiga ayaa dhiggeeda Koofurta ku eedeysay in ay kordhisay Diyaaradaha nooca Duulliye la’aanta ah ee Caasimadda Pyongyang ku daadinaya warqadaha marin-haabinta ah ee Maraykanka uu ujeedka ka leeyahay.