Sacuudiga oo ku dhawaaqay in uu sanadkaan qabanayo tartanka Diyaaradaha fud-fudud

0
16

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in sanadkaan ay qabaneyso tartankii lixaad ee Diyaaradaha fud-fudud ee Hawada sida sahlan isaga kala gudbi kara, waxa uu qabsoomayaa 19ka ilaa 23ka Bisha soo socota Nofeembar 2024.

Goobta uu tartanka ka qabsoomayo waa Garoonka Diyaaradaha ee Al-Thumama ee Magaalada Riyaad waxaana bandhigga kasoo muuqan doonna 15 Diyaarad, halka ay u daawasho tagi doonnaan 100,000 oo ruux sida hadalka loo dhigay.

Madaxa Tartamada u qaabilsan Sacuudiga waa Amiir Suldaan Bin Salman Bin Cabdicasiis ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Dalkoodu martigeliyo bandhiggaan, rajo fiican ayuu ka muujiyay in uu noqdo mid ay ku qancaan dadka u daawasha tagaya.