Ukraine oo weerartay gobol kale oo ka tirsan Ruushka

0
64

Ukraine oo weerartay gobol kale oo ka tirsan Ruushka

Ukraine ayaa weerartay gobolka Koonfurta Ruushka ee Kransnodar markii ugu horreysay, weerarkaa oo ay Ukraine ku burburisay xarumo shidaal oo Ruushku leeyahay oo ku yaalla dekedda Kavkaz ee ku taal badda madow.

Hadda Ukraine, waxay tijaabinaysa dulqaadka Ruushka, xilli shalay weerarkii ugu weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay Ukraine ku qaaday Moscow.

Mareykanka ayaa billaabay inuu ka digo waxa ka imaan kara Ruushka, laakin si cad hadda Moscow waa inay gacanta kala bixisa, cadaadiska ayaanna ku sii kordhaya Putin oo wajahaya fadeexadda in dagaalkii labaad ee adduunka kaddib ay dhulka Ruushka qeyb ka mid ah heystaan ciidan ku soo duulay, kaddib qabsashada Ukraine ee qaybo ka mid ah gobolka Kursk.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa u sheegay Ukraine, inay ku soo wajahan tahay waqti aan u wanaagsaneyn 24 Agoosto, oo ku aadan maalinta xorriyadda Ukraine, taasoo ay suragal tahay inuu Ruushka u beddeli karo maalin mugdi ah, iyadoo waqtigaa ay Moscow ku soo qaadi karto Kyiv weerarro baaxad weyn oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale u sheegay muwaadiniintiisa inay ka baxaan Ukraine , sida ay baahisay safaaradda Mareykanka ee ku taall Kyiv.

Wuxuu ka walaacsanyahay Mareykanka in Ruushka isagoo ka jawaabaya galitaanka ciidanka Ukraine ee gobolka Kursk, inuu qaadi karo weerarro aan horey looga arag, sidoo kale Ukraine ayaa shalay 11 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow , kaa oo duqa Moscow uu ku sheegay weerarkii ugu weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay la kulanto Moscow.