Ciyaartoyda kasoo jeeda Afrika balse aanay Xulalkooda matalin ama u safan

0
54

Qaaradda Afrika waxaa soo maray Ciyaartoy khibrad iyo waaya-aragnimo fiican ka sameeyay dhinaca Kubadda Cagta balse nasiib darro liiskaan ciyaartoyda ku jira uma safan ama u ciyaarin xulalka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Qaarkood waxa ay haystaan Koob Adduun halka qaar kale meelo sare ay ka gaareen Kubadda Cagta oo ilaa hadda ay dhuux u yihiin naadiyada ama qarammada ay metalayaan hlka kuwo kale ay mar hore ka fadhiisteen iyaga oo diiwaanka galay.

Qoraalkaan waxa aan ku eegaynayaa Xulalka ku nafacaadsaday ciyaartoydaan Afrikaanka ah iyo magacyadooda ciyaartoydaan, waxaa magaca ciyaaryahanka ku hor xusan Dalka uu asal ahaan kasoo jeeda ee Afrika.

Xulka 1aad waa Faransiiska, xulkaan waxaa u dheela ciyaartoy badan oo Afrikaan ah kuwaas oo intooda badan kasoo jeeda Dalalka uu ka gumaystay Qaaraddaan waxaana uu uga faaiidaystay luuqaddiisa oo ay weli ku hadlaan Dadka Dalalkaas u dhashay.

Ciyaartoydaan ayuu Afrika ka helay:

FRANCE:

Zinedine Zidane – Algeria

Kylian Mbappe – Cameroon

Karim Benzima – Algeria

N’Golo KANTE – Mali

Paul Pogba – Guinea

Adil Rami – Morocco

Samuel Umtiti – Cameroon

Samir Nasri – Algeria

Blaise Matuidi – Angola

Moussa Sissoko – Mali

Nabil Fekir – Algeria

Steve Mandanda – DR Congo

Bacary Sagna – Senegal

Djibril Cisse – Ivory Coast

Claude Makelele – DR Congo

Patrice Evra – Senegal

Patrick Viera – Senegal

Ousamane Ndembele – Mali

Nicolas Anelka – Cameroon

Bafetimbi Gomis – Senegal

Jarmalka ayaa sidoo kamid ah Dalalka Yurub ee Ciyaarotyda wacan ka helay qaarad waynta Afrika kuwaas oo funaanadda dalka asalkooda ah ka doortay tan dalkaas.

GERMANY

Jerome Boateng – Ghana

Serg Gnabry – Ivory Coast

Leroy Sane – Senegal

Sami Khedira – Tunisia

Xulka 3aad ee Booskaan kusoo baxay waa Dalka Portugal oo kamid ahaa Dalalka reer Yurub ee horay wax usoo gumaystay, waxa uu dhalashada labaad siiyay ciyaartoy asal ahaan kasoo jeeda Qaaradda Afrika sida:

PORTUGAL

William Carvalho – Angola

Edar – Guinea Bissau

Luis Nani – Cape Verde

Renato Sanches – Cape Verde

Eusebio – Mozambique

Dalka 4aad ee ciyaartoyda Afrika ku faaiiday waa Biljamka waxaana uu ka helay ciyaartoydaan kala ah:

BELGIUM

Divock Origi – Kenya

Nacer Chadli – Morocco

Christian Benteke – DR Congo

Marouane Fellaini – Morocco

Michy Batshuayi – DR Congo

Lukaku – DR Congo

Jeremy doku _Ghana

Talyaaniga oo kamid ah gumaystihii reer Yurub ee Afrika dhinaciisa kasoo isticmaarsaday waxa uu dhankiisa safka hore kasoo galay kuwa ku faaiiday ciyaartoyda inkasta oo aanay ku badnayd balse waxaa kamid ah:

ITALY

Mario Balotelli – Ghana

Stephen El Shaarawy – Egypt

Ingiriiska waxa uu kamid ah Dalalka gumaystay Qaarad waynta Afrika, waxa uu dhuuxa kala dhex baxay ciyaartoyda laf dhabarka u ah xulalka qaar ee Qaaraddaan sida:

ENGLAND

Dele Alli – Nigeria

Danny Welbeck – Ghana

Kobbie mainoo – Ghana

Bukayo saka _Nigeria

Fikayo tomori _Nigeria

Karim adeyemi _Nigeria

Dalka Netherland ama Holland diiwaankaan waxa uu kusoo galay hal ciyaaryahan inkasta oo ay jiri karaan kuwo kale oo qaarkood fadhiistay ama weli dheela Kubadda Cagta.

NETHERLANDS

Ibrahim Afellay – Morocco

Dalka Austria oo kamid ah Dalal aanay sidaa ugu buurnayn kubadda Cagta iyo Siyaasadda Dalalka Yurub waxa uu qudhiisa Afrika ka helay hal ciyaaryahan waana:

AUSTRIA

David Alaba – Nigeria

Haddaba Xulkee ayaa si wacan uga faaiidaystay ciyaartoyda Qaaradda Afrika marka aad eegtid miisaanka iyo saamaynta ciyaartoydaas ay leeyihiin?