Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo shir degdeg ah la’isugu yeeray maalinta berri ah

0
70

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo shir degdeg ah la’isugu yeeray maalinta berri ah

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah la’isugu yeeray shir degdeg ah kaas oo ku saabsan heshiis ay maanta wada gaareen dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa lagu yiri, “Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri Shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada isugu yeeray shir looga hadlaya heshiiskaan maanta ay sida wada jirka u wada saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi.

Heshiiskaan ay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi ayaa dhigaya in Itoobiya lagu wareejiyo qeyb ka mid ah Badda cas, taas oo xadgudub ku ah Qarannimada Soomaaliya.