Cajiib! Tuulo Dadka Ku Nool Oo Dhami Ay Qabaan Xanuunka Asaasaqa Iyo Waxyaabaha Sababay

0
103

Cajiib! Tuulo Dadka Ku Nool Oo Dhami Ay Qabaan Xanuunka Asaasaqa Iyo Waxyaabaha Sababay

Tuulada Landes Alzheimer waxa ay ku taal koonfur-galbeed dalka Faransiiska, waa tuulo ka duwan tuulooyinka kale ee adduunka, sababtoo ah dhammaan dadka deggan waxay la ildaran yihiin xanuunka asaasaqa, ama xasuus la’aanta.

Waxaa ku yaal tuulada dukaan weyn oo dadka deggan siinaya alaab fudud, sida rootiga iyo adeegyo kale ayada oo aan wax lacag ah laga qaadin, marka qofna uma baahna inuu xasuusto boorsada lacagta uu ku wato.

Mid ka mid ah dadka ku nool tuulada oo lagu magacaabo Francis oo iibiya wargeysyada maalinlaha ah, balse horey u ahaan jiray beeralley ayaan ku casuunnay mid ka mid ah maqaayadaha ah ku yaal dhex bartamaha magaalada si aan wax uga waydiinno nolosha tuulada.

Waxaan waydiinnay Francis sida uu dareemay markii dhakhtarku u sheegay inuu qabo cudurka Alzheimers ama asaasaqa.
Wuxuu lulay madaxa, in muddo ah oo uu aamusnaa, ayuu yir “Aad bay u adkayda xaaladdu”.
Aabbihii sidoo kale wuxuu la ildaran yahay cudurka Alzheimers, ama Asaasaqnimada, laakiin Francis ma cabsado mana qariyo in xanuunka uu qabo.

Wuxuu yiri “Kama baqayo geerida, sababtoo ah waxay iman doontaa maalin ka mid ah maalmaha”.

Waxa uu intaa ku daray “noloshayada waan si wadan doona in kasta oo xanuunka aan qabo”.

“Waxaan halkaan u imid inaan noolaado, xitaa haddii xaalku uusan sidaan ahaan lahayn” ayuu yu Francis.

“Haddii aad quusato, cudurku waa kaa adkaan doonaa marka waa in aad horay u socotaa oo aad ku dadaasha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maamulayaasha tuuladu waxay ku dhiirigeliyaan dadka deggan inay ka soo qaybgalaan masraxayo lagu qabto tuullada oo dadka lagu wacyi galiyo.

Sidoo kale Philip iyo Vivian oo ka mid ah dadka qaba xanuunka ee ku nool halkaan ayaa BBC-da u shegay inay sii wadaan inay u noolaadaan si caadi ah intii suurtagal ah xitaa ka dib markii laga helay xanuunka asaasaqa.

Philip ayaa yir isagoo meel fog ka eegaya “waan Soconaa Maalin kasta”

Markii aan weydiiyey inay faraxsan yihiin iyo in kale, isla markiiba kor ayuu fiiriyay, wuxuuna ii sheegay isagoo dhoolla caddayn rajo leh: “Haa, aad ayaan u faraxsanahay.”

Kadib, markii ay dhammeeyeen cabitaanka qaxwaha waxa ay xiteen dhar diiran, lammaanaha ayaa dib ugu laabtay socod lug ah oo ay ku maryaan bertooda.

Dadka tuulladan ayaa inta badan ah kuwa xanuunka qaba,ma jirto howlo gancsi oo badan oo halka ka socada ayada oo ingta badan dadka halkaan jooga ay ka shaqeeyaan daryeelka dadka qaba xanuunka iyo wacyi galintooda.
Tuulada ayaa si dhow isha loogu hayaa, waxaana dhaqtar Elaine Ameyeva, ay sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah ay muujinayaan in qaab nololeedka tuulada uu durba saameynayo xaaladda bukaannada.

“Waxaan u baranay inaan aragno heerka garashada bukaannada oo si degdeg ah uga sii daraya marka la keeno xarunta daaweynta xalada dadka halkaan ku nool waa sii liidanaysa” ayay tir .

Waxaa ay sheegtay in kasta oo la bixiyay dadaal badan haddan ay lagama maarman tahay in door weyn laga qaato sidii xaalda dadkan wax looga qaban lahaa.

Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale ay tilmaameen in uu jiro “hoos u dhac weyn” oo ku aadan dareenka iyo walaaca qoysaska bukaanka cudurkan.

Maadaama aysan jirin ballamo gaar ah oo dadka tuulada deggan loo qabto si loo soo booqdo,haddan qoysaska bukaannada ku sugan halkaan waxa ayaa u yimaada waqtiga iyaga ku habboon.

Dominique iyada iyo walaalaheed waxaa ay si isbuuc la ah u soo booqadan habaryarteed oo tuullada daggan oo lagu xanaaneeyo.

In kasta oo dadka deggan tuulada ay bixiyaan tabarucaad dhaqaale oo ah tan aasaaska ah,qaar badan oo ka mid ah kharashyada daryeelk dadka waxaa bixiya dowladda Faransiiska, oo markii horna ku bixisay dhimsaha tuulladda aduun lacaga ah oo dhan $22 milyan

Waxaa la aasaasay tuuladan sanadkii 2020, waxay ahayd tuulada labaad ee nooceeda ah, aduunka oo dhan.
Muxuu yahay xanuunka Alzheimer ama asaasaqa?
Xanuunka asaasaqa waa isbedal ku yimaada maskaxda qofka oo saameeyana awoodda xasuusta iyo fakarka. Waxa uu noqon karaa mid aad u daran.

Cudurka Alzheimers waa sababta ugu badan ee keenta asaasaqa dad