Xaaladda ka taagan Bariga dhexe & wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Gaza.

0
159

Xaaladda ka taagan Bariga dhexe & wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Gaza.

Xaaladda ka taagan Bariga dhexe ayaa maalinba maalinta ka dambeysa kasii dareysa iyada oo halistu sii kordhiyo, Dadka ku dhaawacmay Magaalada Gaza ayaa xaaladdooda laga dayrinayaa maadaama adeegyada caafimaad helistoodu adkaatay.

Dhimashada waa dhowr iyo toban kun oo ruux halka dhawaca uu intaas ka badan waxaana intaas dheer in ay Ciidanka Yuhuuddu ay jaraan biyaha, Korontada & Gargaarka ay u baahan yihiin Shacabka dulman ee duqeyntu ku socota.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dhinaca Magaalada Gaza ayaa sheegaya in ciidanka Israaiil ay duqeyn xooggan ku beegsanayaan guryo ay ku sugan yihiin Dadka rayidka ah ee halkaas ku go’doonsan.

Afhayeenka Xamaas ayaa sheegay in ay sii deynayaan labo maxbuus oo ay kasoo qabsadeen dhinaca Israaiil kuwaas oo u baahan dawooyin ay joogto u qaataan si ay ula dagaalamaan xannuun haya balse dhanka aanay awoodin in ay dawooyinkaas u helaan.

Mareykanka oo ka cabsanaya dareenka falcelinta weyn sababi kara ee Culeyska saari karo ee ka imaan kara dhinaca Madaxda Carabta ee Axadda 12ka Nofeembar 2023 ku ballansan Magaalada Riyaad si ay uga hadlaan xaaladdaan ka taagan Gaza.

Dhinaca kale, Kooxda Xuutiga ah ee Yemen ku sugan ayaa sheegtay in diyaaradaha Duulliye la’aanta ah ee loo yaqaan Drones-ka ay ku weerareen deegaannada ay xoogga ku heysato Israaiil isla markaana khasaara ku gaarsiiyeen weerarkaas.

Sarkaal katirsan ciidamada Yuhuudda ayaa Warbaahinta ka howlgasha deegaannada ay ka heystaan Falastiin u xaqiijiyay weerarkaas lagu fuliyay diyaaradaha aanay cidi duulin isaga oo ku eedeeyay in ay Iiraan ka dambeyso.

La soco wixii kasoo kordha.