Mahaajiriin Ay Ku Jiraan Somali Oo Ku Sugan Dalka Talyaaniga Oo Cunto Joojin Sameeyay Iyo Waxyaabaha Ku Kalifay Cunta Joojinta Ay Sameeyeen

0
681

Mahaajiriin Ay Ku Jiraan Somali Oo Ku Sugan Dalka Talyaaniga Oo Cunto Joojin Sameeyay Iyo Waxyaabaha Ku Kalifay Cunta Joojinta Ay Sameeyeen

Dalka Talyaaniga waxaa la sheegayaa in muhaajiriin ay soomaali ka midyihiin cuntada ka soomeen kaddib markii dowladda Talyaaniga ay diidday in ay qaabisho.

Markab ka mid ah kuwa muhaajiriinta ka badbaadiya xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga ayaa dadkaasi geeyay magaalo xeebeedka Talyaaniga ee Catania.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini, oo ah nin neceb soo galootiga ayaa sheegay in dadka cunta ka soomay ay iyaga u taallo wixii ay doonaanka sameyn karaan.

Muhaajiriinta oo isugu jira Soomaaliya, Liibiyaan, Syrian iyo Eritrean ayaa waxaa ay tiradoodu gaadheysaa 150 qof, waxaana 16-kii Bishan laga soo badbaadiyay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Taltaaniga.

Muhaajiriinta ayaa ku doodaya in sanado si xun loola dhaqmayay gudaha Liibiya kaddib aysan hadda oggolaan karin in dib loogu celiyo Liibiya, sidaas darteedna waxaa ay midowga Yurub ka codsadeen in ay arrintooda farageliyaan.

Kulan shalay oo Jimco ahayd ka dhacay Brussels oo ay ku kulmeen 12 dal oo Midowga Yurub ah Talyaanigana ka mid ahaa ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday waxaana dowladda Talyaaniga diidday qaabilaadda dadkaas.

Sky TG24 TV, ayaa sheegay in Ragga ay diideen in ay Raashinka Xunaan halka Haweenka ay raashinka qaarkood cuneen.

Dadkan waxaa ka mid ah haween dad’oodu u dhaxeyso 15 ilaa 20 jir, kuwaas oo qaarkood cunta ka soomidda qeyb ka ah.

Labo ka mid ah xildhibaannada mucaaridka ee Dalka Talyaaniga ayaa xisbiga shanta xiddig ee talada haya ku dhaliilay sida uu ugu xadgudbayo bani’adamnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here