Waddani Oo Ogolaaday In Uu Iska Diiwaangelinayo Xarunta Guddida Diwaangalinta Urrurada
Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in ay iska diwaangalinayaan xarunta guddida Diwaangalinta urrurada, si lamid ah urrurada cusub.
Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, oo waraysi siiyay Galaydh Media, ayaa sheegay in ay sharci tahay in 10-kii sannoba mar dib loo diwaangaliyo urruro cusub, isla markaana aanay furista urrurada kasoo horjeedin.
Waxaanu yidhi.”Nidaamka urruradu, waa nidaam sax ah oo sharci ah, 10-kii sanno in mar doorashadaas la galo, arrin khilaafi ah na maaha, oo sida loo sawirayo arrin laysku haysto maaha, waxa laysku haystaa, doorashooyinku habkee ayay usoo kala horaynayaan”
Waxa uu sheegay in sidii madaxweynaha Somaliland sheegay in xisbiyada hada joogaa ay dabayaaqada bisha iska diwaangalin doonaan xarunta guddida diwaangalinta urrurada, isla markaana ay si lamid ah urrurada cusub is xaadirin doonaan.
Waxaanu yidhi.”Anagu xisbi ahaan waan la shaqaynaynaa guddida diwaangalinta, wixii nagu xidhan ee sharci ah ee ay nooga baahanyihiina waanu fulinaynaa”
Xoghayuhu waxa uu sheegay in isdiwaangalintoodu aanay ka turjumayn in ay ka noqdeen fikirkoodii ay doorasho madaxweyne ku doonayeen, oo ay wali aaminsanyihiin in doorashada madaxweynuhu ay soo horayso.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay sii wadayaan bannaanbaxyo nabadgalyo ah waxaanu yidhi.”Anagu markasta waxaanu doonaynaa mudaharaad nabada, dadku dareenkooda ay cabiraan”.