Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad oo 97 jir ah ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Dalkaas.

0
303

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad oo 97 jir ah ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Dalkaas.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad oo 97 jir ah ayaa la dhigay Isbitaal kaddib markii laga helay xannuunka Covid-19 sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa.

Mahthir Bin Mohamad waxa uu labo jeer soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Malaysia waa Ra’iisul Wasaarihii 4aad & 7aad ee Dalkaan dhaqaalaha heysta ee dhaca Koofur Bari Qaaradda Aasiya.

Sarkaal katirsan Xukuumadda Kuala Lumpur ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Mahathir Mohamad ay wanaagsan tahay lana dhigay qaybta bukaannada gaarka ah la dhigo si looga warqabo xaaladdiisa.

“Ra’iisul Wasaare Hore Mahathir oo laga helay Covid-19 ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada Maanta kaddib talooyin ka yimid dhaqaatiirtiisa, waxaa lagu daweynayaa Machadka Barashada Caafimaadka xannuunada Wadnaha, xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay” Sidaasi waxaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Mahathir Mohamad.

97 jirkaan ayaa janaayo 2022 sidaan oo kale mar loo dhigay Isbitaalka lagu daweeyo xannuunada Wadnaha kaddib markii uu ka sheegtay xannuun dhankaas ka haya, daryeel iyo dawooyin lasiiyay kaddib waxaa dib loogu celiyay Gurigiisa.

Xil heyntiisii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ahayd muddadii u dhaxeysay 1981dii illaa 2003dii, halka waqtigiisii labaad ahayd illaa 2018kii, waxa uu xilka ka tagay kaddib markii culeys siyaasadeed uu soo koray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here