Ra’iisul Wasaare Hore Oo Laga Mamnuucay Inuu Dalkiisa Khudbado Ka Jeediyo

0
247

Ra’iisul Wasaare Hore Oo Laga Mamnuucay Inuu Dalkiisa Khudbado Ka Jeediyo

Dawladda Pakistan ayaa mamnuucday in si toosa loo tebiyo khudbadaha ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, iyaga oo u soo jeediyey eedo la xidhiidha in hadaladiisu ay abuurayaan, nacayb bulshada dhexdeeda ah iyo kicin dadweyne oo ka dhan ah xukuumadda dalkaas ka arrimisa, hase ahaatee tallaabadaas si weyn ayaa loo dhaleeceeyey, waxaana laguna tilmaamay inay tahay “siyaasad ku dhisan cadaadis”.

Imran Khan oo 70 jir ah, ayaa si joogto ah khudbado ugu jeediya kumanaan qof oo isugu soo baxa barxadaha waaweyn ee dalkaas, kuwaas oo ka soo horjeeda xisbiga ka arrimiya dalka Pakistan ee PTI, ka dib markii baarlamaanka dalkaasi uu xilka ka tuuray Imran Khan bishii April ee sannadkan.

Ka dib markii uu Imran Khan dadweyne tiro badan la hadlay maalinimadii Sabtida, ayaa xukuumadda dalka Pakistan, gaar ahaan hay’adda maamusha warbaahinta dhinaca internetka ee PEMRA, waxay amar ku bixisay inaan telefishanada dalkaasi aanay baahin karin khudbadaha tooska ah, wixii maanta ka dambeeya, hase ahaatee waxaa la ogolaaday in la sii daayo khudbadihii uu hore u jeediyey ee la duubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here