Israel & Islamic Jihad oo Xabbad joojin galay.

0
288

Israel & Islamic Jihad oo Xabbad joojin galay.

Israel & Dhaqdhaqaaqa “Islamic Jihad” ee Falastiin ayaa wada gaaray Xabbad-joojin si loo joojiyo gantaallada culus oo ay is dhaafsadeen labada dhinac maalmihii lasoo dhaafay sida uu sheegay sarkaal katirsan Sirdoonka Masar oo magaciisa ka gaabsaday in la adeegsado.

Dowladda Masar ayaa ka dambeysay in heshiiskaan xabbad-joojinta ah ay wada gaaraan Israel iyo Islamic Jihad, waxaase jira warbixinno sheegaya in waqtigii dhaqangalka heshiiskaas la maqlay gantaallo culus oo labada dhinac isku rideen.

Sarkaal katirsan Sirdoonka Masar ayaa Wakaaladda Wararka AP (Associated Press) u sheegay in la hubinayo dhaqangalka Xabbad-joojinta si looga fogaado wax weliba oo jebin kara (Burin kara) is fahamkaas hordhaca ah.

Waaxda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 31 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 6 carruur ah ay ku dhinteen duqeyn Israel ka dambeysay, tiro intaas ka badan ayaa ku dhaawacantay oo waxaa la dhigay goobaha caafimaadka si looga daweeyo waxyeellada gaartay.

Israel ayaa sheegtay in ay dishay labo sarkaal oo katirsan Dhaqdhaaqa Islamic Jihad, halka gantaallo jawaab ah oo ay ridday kooxdaas ay ku beegsatay goobo ay ku sugnaayeen Askarta Israel sida uu sheegay sarkaal u hadlay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here