Madaxweynihii Is Casilay Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Oo Laga Dajiyey Addis Ababa Iyo Balanqaad Ay Dawlada Federaalka Ahi U Samaysay

0
862

Jigjiga(DN):-Madaxweynihii is casilay ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la geeyey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in madaxweynaha is casilay diyaarad lagaga qaaday madaxtooyada ismaamulka soomaalida Itoobiya ee ku taala magaalada Jigjiga, isla markaana la geeyey Addis Ababa.Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada milatariga ee federaalku ay wali gacanta ku hayaan magaalada Jigjiga ee ismaamulka soomaalida Itoobiya, iyada oo si ku meel gaadh ah loo doortay madaxweyne Cusub.Sidoo kale wararka laga helayo magaalada Addis ayaa sheegaya in madaxweynihii is casilay ee ismaamulka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumaroo ku sugan magaalada Addis Ababa ay dawlada federaalka ah ee Itoobiya u samaysay balan qaad ah inaan la xidhin isla markaana aan wax maxkamad ah la hor gayn doonin, isaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here