Sidee ayay TPLF ugu suuragashay inay loodiyaan mid ka mid ah ciidankii ugu awoodda badnaa Afrika?

0
453

Sidee ayay TPLF ugu suuragashay inay loodiyaan mid ka mid ah ciidankii ugu awoodda badnaa Afrika?

Ciidan mar ahaa kuwo xoog badan oo ay awooddoodu u soo jiiday ixtiraamka Maraykanka, ayaa hadda u muuqda kuwo khasaare baaxad leh la daaladhacaya, oo ka soo gaadhay jiidaha hore ee dagaalka, taas oo keentay in dawladdu ay qaado tallaabo aan caadi ahayn oo ay ugu yeedhayso muwaadiniinta caadiga ah inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigrayga.

Waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid qaabdhismeedkii millatariga.

Sanad ka hor waxay meesha ka saareen jabhadda TPLF oo ahaa xisbigii talada hayay ee waqooyiga gobolka Tigray – hadda dagaalyahannada kooxdaas ayaa qabsanaya magaalooyin u dhow caasimadda Addis Ababa.

“Dagaalyahannada TPLF waxay markii hore dhiigbixiyeen ciidanka dowladda ee ku sugnaaTigray iyagoo qaaday weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah,” Falanqeeyaha Geeska Afrika ee fadhigiisu yahay Maraykanka Faysal Rooble ayaa sharraxay.

“Markaa waxay galeen dagaal si ay ugu dhammeeyaan.” ayuu raaciyey hadalkiisa Faysal

Si kastaba ha ahaatee, Achamyeleh Tamiru – oo ah dhaqaale yahan reer Itoobiya ah, kana faallooda siyaasadda – ayaa aaminsan in horumarka TPLF uu yahay oo kaliya “ku meel gaadh”.

“Itoobiyaankii nooc kasta ayaa u kacaya si ay u difaacaan una badbaadiyaan Itoobiya,” ayuu yidhi.

Xeeladaha dagaal-yahannada TPLF waxay xasuusinayaan tafatirihii hore ee BBC-da qaybteedaTigrinya, Samuel Ghebhrehiwet, noloshiisii ​​markii uu ahaa jabhad da’yar oo Eriteriyaan ah oo ay Tigreega ka barbar dagaallameen taliskii Itoobiya ee Mengistu Haile Mariam ilaa xukunka laga tuuray 1991kii.

Waxay ahaayeen “kuwo fudfudud oo hubaysan, aad u firfircoon, oo muujinaya adkeysi qoto dheer iyo go’aan qaadasho adag”.

Ereteriya waxay sii wadday inay ku guulaysato xornimadeeda, halka TPLF ay la wareegeen awoodda Itoobiya -in kasta oo awoodeeda siyaasadeed ay soo afjarantay 2018-kii ka dib mudaaharaadyo waaweyn o ka dhacay halkaas.
Hogaamiyayaasheeda waxay dib ugu gurteen Tigray halkaas oo ay ka dagaalamayeen tan iyo horraantii Noofambar 2020 iyaga oo marka hore weerar ku qaaday saldhig millatari oo federaal ah iyaga oo taageero ka helaya kuwa daacadda u ah ciidankooda – oo ay ku jiraan taliyayaal iyo askar – kuwaas oo ka goostay safkoodii hore.

Ma aha oo kaliya in la qabsaday hub aad u badan, balse saraakiil sarsare iyo askartii iska caabbisay ayaa la dilay ama la qabtay kumanaan kun oo ka mid ah.

Si kastaba ha ahaatee, militariga dalkaas oo gacan ka helaya ciidamada Eritrea, iyo xoogaggii iyo maleeshiyaadkii ka soo jeeday gobolka Axmaarada ee Itoobiya – ayaa ka soo kabtay dib u dhacaas, iyagoo qaaday weerarro cir iyo dhul ahoo sababay in kooxda TPLF laga xayuubiyo awoodda Tigray-ga muddo bil gudaheed ah.

Laakiin, Mr Samuel ayaa sheegay, in xiligaa ay gaysteen gabood-fallo baahsan oo ka dhan ah dadka rayidka ah – oo ay ku jiraan kufsi, dil iyo gubidda dalagyadii beeraha – Tigreega “dhammaan qaybaha bulshada ayaa markaa ku biiray TPLF si ay u ilaaliyaan sharaftooda”.

“Waalidiinta waxay u sheegeen caruurtooda: ‘Intay ku dhiman lahaayeen guriga, taga furinta oo la dagaallama.’ Waxa uu noqday dagaal u dhexeeya dadka Tigrayga iyo ciidanka dawladda – ma ahan dagaal u dhexeeya TPLF iyo ciidanka.

Sida uu sheegay Mr Rooble, Jeneraaladii hore ee shaqada ka fadhiistay ama ka goostay waxay tageen buuraha iyo godadka Tigreega si ay u dhisaan ciidanka difaaca Tigray-ga (TDF) oo ah garabka milatari ee kooxda TPLF si ay u hubiyaan in tobanaan kun oo askar cusub ah ay u diyaarsan yihiin dagaalkan.

“Jeneraaladan waxa ay dareemeen in ay waajib ku tahay in ay difaacaan muwaadiniinta Tigray-ga, iyaga oo aqoontooda ku dhex leh ciidanka ayay maleegayeen jabkooda,” ayuu yidhi Mr Rooble.

Iyadoo dagaalyahanada Tigreega ay hadda wax ka yar 300km (185 mayl) u jiraan caasimadda, waxaa cad inay hadda gacanta sare ka leeyihin ciidan ka mid ahaan jiray kuwa ugu awoodda badan Afrika, ayuu yidhi.

“Itoobiya waxay ahayd saaxiibka 1-aad ee Maraykanka ee la dagaalanka waxa loogu yeedho Argagaxisada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, halkaas oo ay meesha ka tuurtay Midowgii Maxaakimta oo[ Horudhac u ahaa Al-Shabaab]. Mareykanku wuxuu maalgeliyay Milliterigooda, hubeynaayey oo xitaa waxay siin jirern ciidankooda cunto diyaarsan,” ayuu yidhi Mr Rooble.

“Midowga Afrikana wuxuu ku tiirsanaa howlgalladooda nabad ilaalinta, laakiin Itoobiya lafteedu hadda ma xasiloon tahay!.”

 

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here