Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb

0
430

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ayaa ka ambabixi doona Magaalada Garoowe oo ay ku sugan yihiin, iyagoona saacadaha soo socda sida uu qorshahu yahay tegi doono Dhuusamareeb oo laga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweynta.

Ujeedka Rooble ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxda kale ee Maamulka, isagoo kala hadli doona Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya iyo xalinta tabashooyinka jira.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo labadii maalin ee dhaafay ku sugnaa Garoowe ayaa kulamo kusoo dhammaaday natiijo la’aan la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo looga hadlaayay Doorashada dalka.

Madaxweyne Deni ayaa iska diiday dalab uga yimid Rooble oo ahaa in uu magacaabo Guddiyada doorashada ee Puntland ku metelaya Guddiyada la magacaabay ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, isagoona shuruud adeg ku xiray arrintaas.

Deni ayaa dalbaday in marka hore la xaliyo arrinta ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo Jubbaland  ee ku aadan Gobolka Gedo  iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble iyo wafdigiisa ayaa Maanta isaga tegaya Magaalada Garoowe, waxaana xusid mudan in Rooble xalay uu ka baaqday munaasabad Casho sharaf ah oo Madaxda Puntland u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here