Baarlamaanka Carabta Oo Digniin U Diray Dalalka Deris La’ Ah Soomaaliya

0
309

Baarlamaanka Carabta Oo Digniin U Diray Dalalka Deris La’ Ah Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Doorashooyinka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021, xili weli uu muran ka taagan yahay Guddiyada la magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Carabta oo ku qurnaa Luuqada Carabiya ayaa waxaa lagu sheegay in muhiim ay tahay doorashada dalka ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, isla markaana la fuliyo heshiiskii laga gaaray Doorashada.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dalalka deriska la’ ah Soomaaliya ay faragelin siyaasadeed ku sameeyaan arrimaha Doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/21, iyagoona Digniin u diray dalalka Gobolka ee faragelinta wada.

Baarlamaanka ayaa adkeeyay in weerarada Al-shabaab ay la beegsanayaan dadka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan aysan ka hor istaagi doonin Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira sugidda Amniga iyo xasilooni uu dalku gaaro.

”Diidmada dhammaan faragelinta ay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah iyo qaar gobolka ah isku dayayaa iney carqaladeeyaan hawlaha doorashada la iskugu afgartay qaab dastuuri ah.” Lagu yiri Qoraalka lasoo saaray.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale Qoraalkooda ku caddeeyay inay dowladda Federaalka ka taageri doonaan Arrimaha amniga, midnimada, qarannimada, waxbarashada iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Si kastaba Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan dowladda Federaalka ku eedeeysay dowladda Kenya inay fara-gelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Jubbaland, ayna ku caddaadinayan danno gaar ah oo ay doonayan inay u fuliyaan Maamulka, una saaban Doorashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here