Gabay Uu Akhriyay Erdogan Oo Xiisad Ka Dhex Abuuray Turkiga Iyo Iran

0
325

Gabay Uu Akhriyay Erdogan Oo Xiisad Ka Dhex Abuuray Turkiga Iyo Iran

Turkiga ayaa sabtidii diiday hadal aflagaado ah oo Iran ay la beegsatay Madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo la xiriira gabay muran dhaliyey oo soo jeedinaya in gobollada waqooyiga galbeed ee Iran ay leedahay Azerbaijan.

Madaxweyne Erdogan ayaa Khamiistii booqday dalka Azerbaijan, isaga oo ka qeyb galay dhoola-tus militari oo Baku ay ugu dabaal degeysay guusha militari ee ay ka gaartay dagaalkii ay la gashay Armenia ee salka ku hayey gobolka Nagorno-Karabakh.

Intii lagu guda jiray booqashadaas, ayaa Erdogan waxa uu aqriyey gabay ay Tehran sheegtay inuu dhiiri-gelinayo bulshada gooni u goosatada laga tira badan yahay ee dalkaas, ee asal ahaan kasoo jeeda Azerbaijan.

Iran ayaa waxaa degan bulsho badan oo Azeri ah, oo badankood ku nool gobollada waqooyiga galbeed ee dalkaas ee xuduudda la leh Azerbaijan iyo Armenia, halkaasi oo webiga Aras uu kala qeybiyo xuduudda.

Maalinkii xigay, Wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa qoraal uu maalinkii xigay soo dhigay twitter ku sheegay in madaxweyne Erdogan aan lagu wargelin in waxa uu sida qaldan u aqriyey ay Baku ula jeedo in gobollada waqooyi ee aagga Aras si qasab ah looga gooyo dalka Iran.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa u yeeray safiirka Turkiga ee Tehran si ay cabasho uga muujiyaan Hadallada faro-gelinta ah ee aan la aqbali karin ee Erdogan, iyadoo oo ka jawaabeysa ayaa Turkey waxay u yeertay safiirka Iran ee Ankara, sababo la xiriira sheegashooyin aan sal lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here