Jubbaland Iyo Puntland Oo Caddeeyay Mowqifkooda Go’aanadii Shirka Dhuusamareeb 3

0
314

Jubbaland Iyo Puntland Oo Caddeeyay Mowqifkooda Go’aanadii Shirka Dhuusamareeb 3

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa si wadajir ah uga hadlay qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo habeen hore lasoo gaba-gabeeyay, Go’aana looga gaaray Doorashada dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa lagu caddeeyay in aysan ka qeyb aheyn, laguna meteli karin Shirkii ka dhacay Dhuusamareeb, kaasi oo ka qeyb galeen Madaxweyne Farmaajo, maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa Qoraalka labada maamul lagu sheegay in intii u dhexeeysay shirarkii Dhuusamareeb 2 iyo 3 ay dhaceen qalalaase siyaasadeed, ayna arrintaas horey uga digeen Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Jubbaland iyo Puntland ay markasto diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay, isla markaana lagu gaari karo hirgelinta Doorashada dalka Soomaaliya ee 2020/2021, taas oo ku dhacda waqtigii loogu tala-galay.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageerada joogtada ay la garab taagan yihiin dib u dhiska hay’addaha dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, si loo helo xasilooni siyaasadeed iyo mid amni.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jubbaland iyo Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here