Duulimaadyadii Gudaha Dalka Oo Maanta Si Rasmi Ah U Bilowday

0
357

Duulimaadyadii Gudaha Dalka Oo Maanta Si Rasmi Ah U Bilowday

Waxaa Maanta oo Axad ah si rasmi ah u bilowday Duulimaadyada gudaha dalka, kadib ay xirnaayeen ku dhawaad boqolaal Maalmood, sababo la xiriira saameyntii ka dhalatay Cudurka halista ah ee COVID-19.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dib loogu furay Garoonka iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama weli uu jiro halista cudurka Karoona Feyrus.

Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda ay yeesheen Khamiistii lasoo dhaafay lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 29 Bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus, kaasi oo aduunka oo dhan sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here