Dad Soomaali Ah Oo Masaajid Ku Tukanayay Salaadii Ciida Oo La Xiray
Ciidamo ka tirsan kuw Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa xabsiga u taxaabay dad badan oo ku jiraan kuwa Soomaali ah, kuwaasi oo jebiyay amar kasoo baxay dowladda Koonfur Afrika.
Dadkan oo gaarayay 85 qof oo ku jiraan Soomaali badan ayaa lagu xiray Magaalada Modimille ee Gobolka Limpopo, kadib markii loogu tegay iyaga shalay salaadii Ciidul fidriga ku tukanayay Masaajid ku yaalla halkaas.
Soomaali ku sugan Gobolka Limpopo ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaas ay jebiyeen amar horey uga soo baxay Dowladda oo ahaa in Salaada Ciidul fidriga aan lagu tukan Karin Masaajida ku yaalla dalkaas, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Dadka la xiray la horgeeyn doono Maxkamad si loo xukumo, maadaama ay si Cad u jebiyeen amarkii ahaa in Salaada Ciidul fidriga aan Masaajida lagu tukan karin.
Dalka Koonfur Galbeed ayaa siweyn waxaa u sameeyay Cudurka halista ah ee COVID-19, waxaana tirada dalkaas laga helay gaartay 23,615 oo qof, halka ay u geeriyoodeen 481, isla markaana waxaa ka bogsatay 11,917 oo Ruux.