Dad Hor Leh Oo Qaba Cudurka COVID-19 Oo Laga Helay Somaliland

0
378

Dad Hor Leh Oo Qaba Cudurka COVID-19 Oo Laga Helay Somaliland

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada kasoo baxday dad dhowr ah oo looga shakisnaa Cudurka COVID-19, kuwaas oo qaarkood laga helay Cudurkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga helay 8 ruux, kadib baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay lagu ogaaday inay qabaan Cudurka.

Dadka laga helay Cudurka oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa ay 5 kamid ah ku sugan yihiin Magaalada Berdera, halka qof kalena uu degan yahay Hargeysa iyo 2 qof oo ku sugan Burco.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in hal qof uu Cudurka ugu geeriyooday halkaas, isla markaana ahaa Nin daโ€™diisuna aheyd 85jir oo maalmihii lasoo dhaafay la jiifay Cudurka.

Tirada guud ee Cudurka COVID-19 laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaartay 139, waxaana Cudurka halkaas ugu geeriyootay 10 ruux, halka ay Cudurka ka bogsatay dhowr qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here