Shaqaale Warshadeed Oo Is Karantiilay Si Ay U Sameeyaan Qalab Muhiim Ah

0
540

Shaqaale Warshadeed Oo Is Karantiilay Si Ay U Sameeyaan Qalab Muhiim Ah

Shaqaalaha warshad ku taal waddanka Tuunis ayaa maalintiiba waxa ay soo saaraan 50,000 oo walxaha afka lagu duubta ah iyo qalab kale oo caafimaad kaddib markii ay doorteen inay goobtaas isku karantiilaan.

150 shaqaale ah oo u badan haween ayaa waxa ay muddo bil ah isku karantiileen warshad.

Waxaa dhiirigaliyay wadaniyadooda xilli dalka uu la tacaalayo cudurka coronavirus, ayuu BBCda u sheegay Xamza Caluuni, maareyaha shaqaalahaas.

Khalwa Ribxi oo ka tirsan shaqaalaha ayaa sheegtay in ay si ugu xiistay qoyskeeda, hasayeeshee dareenka wanaagsan ee saaxiibadeed shaqada ay ka heshay waxoogaa ay ku nasato.

“Ninkeyga iyo gabadhayda 16-jirka ah ayaa waxa ay igu taageeraan oo ay igu dhiirigaliyeen inaan sidan sameeyo,” ayey Ms Ribxi oo madax ka ah wax soo saarka u sheegtay BBCda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here