Tirada Uu Soo Ritay Caabuqa Corona Oo Kor U Dhaaftay Nus Malyuun Qof

0
441

Tirada Uu Soo Ritay Caabuqa Corona Oo Kor U Dhaaftay Nus Malyuun Qof

Tirada dadka uu soo ritay caabuqa Corona ayaa imika guud ahaan caalamka dhaaftay nus malyuun qof tan iyo intii uu cudurkaasi bilaabmay.

In ka badan 180 dal ayuu cudurkan gaaray islamarkana waxaa guud ahaan caalamka ugu geeriyooday ku dhawaad 23 kun oo qof.

Dalka Taliyaaniga oo ah dalka sida ba’an uu cudurkan ugu dhuftay ayaa waxaa mar kale 24 saac ee ugu dambeysay sare u kacday tirada dhimashada .

Dalka Mareykanka ayaa dhanka tirada uu cudurka soo ritay ka sare maray Shiinaha.

Waxay imika mareysaa 82,404 qof tirada uu cudurka soo ritay dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa tirada cudrka ugu dhimatay ay ka hooseysaa tiradii Shiinaha ugu dhimatay.

Balse dhanka tirada u dhimatay cudurka dalka Mareykanka ayaa ka hooseysa Shiinaha ,halka dhanka dhimashada uu imika ay dalka Taliyaaniga ugu sareeyaan.

Tirada Shiinaha ugu dhimatay caabuqa Corona ayaa dhan (3,291) halka Taliyaaniga oo ugu sareeya ay gaarayso (8,215).

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxaa looga dhawaaqay muddo saddex toddobaad oo xannibaad dhanka isu socodka ah gaar ahaan caasimadda Kinshasa.

Xukuumadda Shiinaha ayaa gabi ahaanba dalkeeda ka mamnuucday inay soo galaan dadka ajaaniibta ah si ay uga hortagto in caabuqaasi uu mar kale dalkooda dib ugu soo laabto.

Dalka Australia in ka badan 3,000 ayaa cudurka laga helay halka ay u geeriyodeen 13 qof.

Xigasho BBC-Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here