Doon Siday Tahriibiyaal Soomaali Iyo Itoobiyaan Ah Oo Ku Degtay Badda Yamen

0
680

Doon Siday Tahriibiyaal Soomaali Iyo Itoobiyaan Ah Oo Ku Degtay Badda Yamen

Saraakiisha Amaaanka iyo hogaamiyeyaasha qabaa’ilka ee waddanka Yamen ayaa sheegay in doon siday 160 muhaajiriin African ah ay ku degtay badda gobolka Shabwa ee koofurta Yamen.

Wali lama xaqiijin tiradda geerida iyo haddi ay jiraanba muhaajiriin lasoo badbaadiyay, sida ay ku warameeyso Wakaalada Wararka ee AP.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in doontu ay khamiistii ka baxday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyada oo sida 100 ruux oo Soomaali ah iyo 60 ruux oo Itoobiyaan ah, oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.

Saraakiishan la hadlay AP oo diiday in magacooda la adeegsado ayaa sheegay in  uusan jirin gurmad ka howl-galay sidii dadka loo soo badbaadin lahaa.

In kastoo Yamen ay colaaddo ka holcayaan, hadana muhaajiriinta African ka ah ayaa waddankaas ka dhigtay marin ay qurbaha uga sii gudbaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here