Wasiir kale oo ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo is casilay

0
422

Wasiir kale oo ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo is casilay

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Faarax Wehliye ayaa xalay kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb inuu iska casilay xilkaas, kaddib markii uu isku sharaxay xilka Madaxweynaha Galmudug.

C/llaahi Faarax Wehliye ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Kheyre mudadii 3-da sano ee ay soo wada shaqeeyeen, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu go’aansaday inuu xilkaas iska casilay.

Waxaa uu sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Mr Wehliye ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka socday Xukuumadda ee qeybta ka ahaa dadaaladii dib u heshiisiinta ee ka socday Galmudug, inkastoo Xukuumadda ay markii dambe doorkiisa meesha ka saartay, isla markaana xubno kale ay u wakiilatay.

Shir jaraa’id oo ay shalay wadajir u wada qabteen isaga iyo Musharaxiinta kale ayaa waxaa uu ku eedeeyay Xukuumadda inay ku colaadiyeen dadaaladii uu waday.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso howlaha doorashada, ayna dooneyso inay wax kasta u sameyso Musharaxa ay wadato, si uu ugu soo baxo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here