Iran oo qiratay in si aan ula kac aheyn u soo riday diyaaraddii Ukraine

0
423

Iran oo qiratay in si aan ula kac aheyn u soo riday diyaaraddii Ukraine

Dowladda Iran ayaa qiratay in si aan ula kac aheyn ay u soo rideen diyaaraddii rakaabka aheyd ee laga lahaa dalka Ukraine.

Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Iran ayaa lagu sheegay in falkan uu ku dhacay khalad uu bani’aadam sameeyay.

Bayaan laga akhriyay Telefishinka ayaa lagu sheegay in dadkii mas’uulka ka ahaa falkaas lala xisaabtami doono.

Dowladda Iran ayaa horay u sheegtay in diyaaradda ay cilad farsamo ah ku soo dhacday, iyadoo beeneysay warar sirdoon oo sheegayay inay diyaaradda soo riday.

Diyaaradda ay laheyd Shirkadda Ukraine International ayaa waxaa saarnaa illaa 176 ruux oo 63 ka mid ah ay u dhasheen dalka Canada.

Habeenkii Arbacada ayay aheyd xilli Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ay duqeynayeen saldhigyo Mareykanka ku lahaa dalka Ciraaq, waxaana la sheegayaa in diyaaraddan oo xilli habeen ka kacday garoonka diyaaradaha Tehran ay haleeshay gantaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here