Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Dileen Qaasim Sulaymani

0
418

Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Dileen Qaasim Sulaymani

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu u dilay hogaamiyihii sare ee milateriga Iiraan, Qaasim Sulaymaani, si “uu u joojiyo dagaal, ee uusan doonayn inuu mid bilaabo”.

Waxa uu sheegay in uu “dhammaaday waqtigii argaxa ee Sulaymaani” kaddib markii Jimcihii lagu dilay weerrar dhanka cirka ah oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Trump ayaa u qiildayay dilka, isagoo sheegay in janaraalku uu qorshaynayay weerraro ka dhan ah danaha Mareykanka.

Sulaymaani ayaa madax ka ahaa howgallada Iiraan ee Bariga Dhexe oo waxa uu hogaamin jiray ciidammada Qudus. Iiraan ayaa waxa ay wacad ku martay in “si adag uga aargoosan doonto” kuwii ka dambeeyay geeridiisa.

Dilka ayaa waxa uu imanayaa xilli ay sare u sii kacaysay xiisadda u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in taxadar ahaan ilaa 3,000 oo ciidamo dheeraad ah loo diri doono Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here