DEG DEG : Kornayl Caare Oo Wareejiyay Hubkii Iyo Ciidamadii Uu Haystay+YUU KU WAREEJIYEY

0
443

DEG DEG : Kornayl Caare Oo Wareejiyay Hubkii Iyo Ciidamadii Uu Haystay+YUU KU WAREEJIYEY

Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hogaaminayay Jabhad looga dhawaaqay deegaanno ka tirsan Soomaaliland wadahadalana maalmihii la soo dhaafay lalahaa waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeedda deegaanada maamulkaas ayaa maanta kulankii ugu dambeeyay la yeeshay Odayaasha dhaqanka.

Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa isaga oo xidhan dharka madax-dhaqameedka maanta guddida dhexdhexaadinaysay Jabhaddiisa iyo xukuumadda ku wareejiyay ciidankiisa iyo hubkoodii.

Munaasabadda uu ku wareejinayay Hubka iyo ciidamaa ayaa ka dhacday Buurta Daallo,waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in si nabad ah uu u wareejiyo ciidamada iyo in uu heshiis la gaaray xukuumadda.

Arrintaa ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay dhex-dhexaadiyeen Odayaasha dhaqanka ee isaga ku haybta ah iyo iyo Siyaasiyiin dhinaca xukuumadda ka socday.

Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa sanadkii 2018-kii ka goostay ciidamada Somaliland isagoo ku dhawaaqay gsashadisia iyo in uu dagaal lagelayo xukuumadda Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here