Golaha Shacabka Oo Meel-Mariyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

0
486

Golaha Shacabka Oo Meel-Mariyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu aha Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe Xildhibaanada ay ka doodayeen.

Doodddii ugu kululeed ayay maanta xildhibanadu ka yeesheen Sharcigaan doorashooyinka oo soo maray heerar kala duwan maadaama maanta uu ahaa heerkii ugu dambeeyay ee akhrinta 3-aad oo badi xildhibaandu ay aragtidooda ku biiriyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoominayay kulanka waxaana ugu dambeyn lagu meel mariyay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo aad muddooyinkii dambe looga doodayay madaxda Xisbiyada iyo Siyaasiyiintuna ay hadal hayeen.

171-Xildhibaan ayaa codka ogolaayasha siiyay Sharciga doorashooyinka waxaana diiday 5-Xildhibaan iyada oo ay ka aamuseen 2-Mudane oo kale sidaasna uu ku meel maray Shariga doorashooyinka oo gacanta ay ku hayeen guddiga KMG ee diyaarinta sharcigaa ee golaha shacabka Soomaaliya.

Si kastaba Beesha Caalamka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay si degdeg ah ku ansixiyan sharciga Doorashooyinka qaran inta uusan dhammaan sanadkaan 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here