Iran: Jawaab kulul ayaan ka bixineynaa “weerarka fuleynimada” ee lagu qaaday markabkeyga

0
483

Iran: Jawaab kulul ayaan ka bixineynaa “weerarka fuleynimada” ee lagu qaaday markabkeyga

Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa sheegay “weerarka fuleynimada” ee lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, Iran ay jawaab kulul ka bixin doonto.

Wakaaladda wararka ee Iran IRNA oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay Markabka weerarka loo geystay ee Sabit inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudi Carabiya.

Tani iyo bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddama kala duwan.

Iran waxa kale oo ay sheegtay iney baaritaanka ay ku waddo weerarkaasi uu gabagabo marayo natiijada ka soo baxda iyada oo ka duuleysana ciddi weerarkaasi ka dambeysay ay jawaab waafi ah siin doonto.

Sargaal sare oo ka tirsan laamaha amniga Iran wuxuu sheegay iney hayaan muuqaal muujinaya weerarkaasi sida uu u dhacay iyada oo muuqaalka lagu arkayo laba gantaal oo markabka lala beegsaday.

“Guddi arrintan baaro ayaa loo saaray waxayna guddiga warbixintooda ku saabsan weerarka lagu qaaday markabka saliidda qaada ee Iran waxaana loo gudbin doonaa madaxda ugu sarreysa ammaanka dalka Iran,” ayuu yiri Cali Shamkhani oo ah xoghayaha hay’adda ammaanka ugu sarreysa dalka Iran.

Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya SPA waxay sheegtay ineysan ku faraxsaneyn weerarka lagu qaaday markabkaasi inkasta oo Markabka weerarka loo geystay ay gacan siiyeen ciidamadeeda badda.

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionSawirro muujinaya markabka lagu magacaabo Sabiti – oo la sheegay in la qaaday maanta oo jimce ah – ayaa laga sii daayay telefishinka Iiraan

Qaraxa siduu u dhacay

Qarax ayaa lala beegsaday markab saliid waday oo ay leedahay Iiraan, kaasoo ku sugnaa meel u dhow xeebta dalka Sacuudiga, sida ay ku warrameen warbaahinta Iiraan.

Markabka, oo ay maamusho shirkadda qaran ee saliidda Iiraan(NIOC), ayaa markaas masaafe dhan 97km u jiray dekedda magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Waxaa lagu soo warramay in labada keyd ee markabka ugu waaweyn ay burbureen, taasoo sababtay inay saliid ku daadato badda cas.

Hase yeeshee, lama soo tabinin cid wax ku noqotay dhacdadaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in markabka “la weeraray labo jeer” balse wax faahfaahin dheeraad ah ma aysan bixinin.

Subaxnimadii jimcada ee maanta, ilo wareedyo aan la magacaabin ayaa warbaahinta Iiraan u sheegay in markabkaas lagu weeraray gantaallo “laga yaabo” in laga soo tuuray Sacuudiga.

Laakiin shirkadda NIOC waxay goor dambe beenisay sheegashadaas. Waxay sheegeen in qaraxyo ka duwan sidaas ay ka dhaceen markabka, “ayna suurtagal tahay” inay sababeen gantaallo.

Qaraxan ayaan wali si madax bannaan loo xaqiijinin, macluumaadka ku saabsan markabkaas qudhoodana wali ma kala cadda.

Telefishinka Iiraan ayaa goor sii horreysay markabka ku sheegay in la yiraahdo Sinopa, inkastoo NIOC ay sheegtay inuu yahay markab kale oo lagu magacaabo Sabiti.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sacuudiga oo arrintan lagu xusayo.

Sawirro la sheegay in maanta laga soo qaaday markabkan ayaa laga shaaciyay Telefishinka Qaranka Iiraan, mana ka muuqdaan wax dhaawacyo ah.

Qalabka lagu ogaado maraakiibta ayaa sheegaya in labada markab ee magacyadooda la xusayba ay ku sugan yihiin badda cas gudaheeda.

Markabka Sinopa wuxuu qalabkiisa isgaarsiinta daaray horaantii Isbuucan, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee uu sidaas sameeyo muddo 50 maalmood ah.

Dhinaca kale, markabka Sabiti wuxuu isagu qalabkiisa daaray aroornimadii saaka, ka dib markii uu 60 maalmood dansanaa.

Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, dhammaan maraakiibta badda ku jira ayaa laga doonayaa inay lahaadaan qalabkooda iskaarsiinta ee casriga ah, laakiin kuma khasbana inay mar walba u daarnaadaan.

Il-wareed ka tirsan shirkadda falanqeysa arrimaha badda ee Windward ayaa BBC-da u sheegay in maraakiibta Iiraan ay caado u leeyihiin inay damiyaan qalabkooda lagu soo garan karo, si ay uga hor tagaan in la soo bartilmaameedsado ama la fahmo dhaqdhaqaaqyadooda.

Sababta ugu weyn ee ay arrintaas u sameeyaan ayaase ah inay ka dhiintaan cunaqabateynta saaran Iiraan iyo waliba inay iska ilaaliyaan dhibaatooyin ay kala kulmi karaan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Sacuudiga.

Dhammaan maraakiibta ayaa ku khasban inay qalabkan yeeshaan, sababo la xiriira dhinaca amniga, waxaana waajib ku ah inay daaraan marka ay ku dhawaadaan gacanka Suez Canal.

Il-wareedka Windward wuxuu sheegay in markabka Sabiti uu si qeyrul caadi ah u dhaqmi jiray marka uu gacankaas marayo, isagoo mararka qaar damin jiray qalabka mararka qaarna daari jiray.

Balse hadda, waxa uu qalabka daartay isagoo boqollaal meyl u jira gacanka Suez Canal, ka dib markii uu 2 bilood mugdi ku jiray.

Michelle Bockmann, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha maraakiibta, ayaa BBC-da u sheegtay in markabkaas – midkuu doonaba ha ahaadee – ay “u badantahay” inuu saliid u waday waddanka Suuriya.

“Arrintaas waa dhab, Iraan iyo Shiinaha oo kaliya ayaa marinkaas isticmaala, waana suuqa kaliya ee lagu gado shidaalka Iiraan, maadaama uu Mareykanka cunaqabateynta ku sii xoojiyay bishii May”, ayey tiri Ms Bockmann.

“Waxaan aragnaa siyaasad lagu ciyaarayo hannaanka maraakiibta ee caalamka iyo suuqoodaba, tanina waxay qeyb ka tahay xasilooni darrada aan gobolkaas ku aragno”, ayey sii raacisay hadalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here