Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in todobaadkan gudihiisa ka dhacdo Kismaayo

0
475

Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in todobaadkan gudihiisa ka dhacdo Kismaayo

Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa in todobaadkan gudihiisa ay dhacdo, kaddib markii ay dib u dhacday 23-kii bishii hore, sababo la xiriira dowladda Federaalka Soomaaliya oo xayiraado ku soo rogtay diyaaradaha aada Kismaayo.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe la filayo inay dhacdo 9-ka bishan October oo ku beegan Arbacada soo socota.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Ammaanka Jubbaland ay ka bilaabeen magaalada Kismaayo howlgallo lagu sugayo amniga magaalada, iyadoo gawaarida aada dhanka Madaxtooyada baaritaano ku sameynayaan gaadiidka.

Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu casuumay Madaxdii hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo marti sharaf kale.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu wafdi u dirayo caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii ay ka heleen martiqaad Madaxweyne Axmed Madoobe.

Lama oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonto dowladda Federaalka oo horay u sheegtay in aanay aqoonsaneyn doorashada Axmed Madoobe, isla markaana dhowaan xayiraad saartay diyaaradihii aadi lahaa Kismaayo, sidoo kale waxaa xiisad siyaasadeed ay ka dhalatay xayiraadii lagu sameeyay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo todobaad ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here