Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidanka Mareykanka ee ku sugan garoonka Balidoogle

0
600

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidanka Mareykanka ee ku sugan garoonka Balidoogle

Dagaalyahano taabacsan ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha bali doogle ee gobolka Shabeelaha hoose, oo xarun ah ciidamo ka socda Mareykanka.

Weerarka ayaa ku bilowday markii hore qaraxyo laga soo buuxiyay gawaari ka hor inta labada dhinac uu dhexmarin dagaal toos Ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday dhamaan lagu toogtay afaafka hore ee iridka Saldhiga Balidoogle.

Dhanka kale ururka Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkan waxaana ay intaa ku dareen in askar badan ay ku dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here