Shacabka Kismaayo oo soo dhaweeyay amarka dowlada ku fasaxday Duulimaadyadii Diyaaradaha
Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa aad u soo dhaweeyay xayiraada ay dowlada ka qaaday duulimaadyadii Rayidka ee magaalada Kismaayo.
War saxaafadeed xalay ka soo baxay wasaarada Gaadiidka ayaa lagu fasaxay maanta oo Axad ah duulimaadyadii diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo Kismaayo.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumada mr Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowlada ay fasaxfay howlihii duulimaadka kadib codsi ugu yimid Shacabka Kismaayo.