Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Qaramada Midoobey

0
427

Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Qaramada Midoobey

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Qaramada Midoobey ayaa ka warbixiyey xaaladda siyaasadda, dhaqan dhaqaale iyo amni ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay qorshayaasha hortabinta leh ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo xoojiyey midnimada, wadajirka iyo yididiillada shacabkeenna.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha caalamka aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan daris wanaagga, ixtiraamka shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah, waxa uuna tilmaamay in xiriir ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo dheef wadaag ay Soomaaliya la doonayso in ay yeeshaan dalalka Gobolku.

“Soomaaliya maadaama ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda Caalamiga ah, waxa ka go’an in ay ka dhur-sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka.”

Dhanka siyaasadda, Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadallada heer Qaran hadda diiradda lagu saaro xaqiijinta siyaasad loo dhan yahay, tayeynta adeegyada dowladda, dib u habaynta maaliyadeed iyo dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha, dowlad wanaagga iyo sare u qaadidda iskaashiga heer gobol.

Dhanka Amniga, Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dhisidda ciidan qalabaysan iyo hay’ado ammaan oo udub-dhexaad ay u tahay ilaalinta xuquuqda banii’aadamka.

“Sinnaba uma sahlanayn dib u habaynta ballaaran ee aan wadno, balse dadaal iyo ka go’naansho ka dib, waxaan hadda diiwaan gelinney dhammaan Ciidanka Qalabka Sida, waxaan sidoo kale dhawaan soo gebagebaynaynaa baaris lagu wado guud ahaan hay’adaha amniga dalka”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka, dalalka walaalka iyo saaxiibka nala ah sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here