Aqalka Congress-ka oo wada Mooshin xilka looga qaadayo Donald Trump

0
455

Aqalka Congress-ka oo wada Mooshin xilka looga qaadayo Donald Trump

Waxaa sii xoogeysanaya dadaalo lagu doonayo in mooshin xil ka qaadis ah lagu sameeyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Afhayeenka aqalka hoose ee Congress-ka Nancy Pelosi ayaa sheegtay in ay bilaabi doonaan xil ka qaadista Trump oo loo heesto qiyaano Qaran.

Trump ayaa lagu eedeeyay in taleefanka gacanta uu kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky kana codsaday in uu ka taageero baaritaan ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Maalmo kadib Trump ayaa u fasaxay Ukraine lacag dhan 400 million oo doolarka Mareykanka oo kaalmo Milatari, sida lagu muujiyay baaritaanada hordhaca ah ee Socda.

Nancy Pelosi ayaa sheegtay in Trump uu ku kacay qiyaano qaran maadaama uu kaalmo weydiistay dal Shisheeye.

Balse lama oga in xil ka qaadista Donald Trump ay isku raaci doonaan labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here