Daacish-ta Somalia oo soo bandhigtay dagaalyahano tababar cusub qaadanaya

0
520

Daacish-ta Somalia oo soo bandhigtay dagaalyahano tababar cusub qaadanaya

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa baahisay sawirro laga soo qaaday dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi oo ku tababaranaya Buuraleyda Gobolka Bari.

Daacish ayaa Xerada ciidan ee lagu tababarayo dagaalamayaasha cusub u bixisay “Xerada Dawoud Al-Somali” iyagoo ugu magac-daray tababare ciidan oo hore kooxda looga dilay.

Sawirada ay baahiyeen kooxda Daacish ayaa waxay ku sheegtay iney yihiin dagaalyahano cusub oo ka mid noqon doonaan kooxda marka uu tababarku u dhamaado.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Mareykanka sheegtay in kooxda Daacish ay qoraneyso dagaalyahao cusub, ayna kooxdan isku dayeyso iney noqoto mid awood leh oo ka Talisa dhul badan.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here