Burcad Badeeda Soomaalida oo sii daayay muwaadin u dhashay Iiraan

0
439

Burcad Badeeda Soomaalida oo sii daayay muwaadin u dhashay Iiraan

Burcad badeeda Soomaalida ayaa sii daayay muwaadin xanuunsan oo u dhashay dalka Iiraan oo mudo hada laga joogo shan sano ay Afduubteen.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamad Shariff Panahandeh, ayaa ka anbabaxay magaalada Garowe ee ismaamulka Puntland waxaana uu ka degay caasimada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

War saxaafadeed ka soo baxay hey,ada Hostage Support Partnership ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in wada xaajood ay la galeen burcad badeeda lagu sii daayay Mr Maxamed.

John Steed oo ka mid ah saraakiisha hey,adaan ayaa sheegay in muwaadinka reer Iiraan uu qabo dhibaato dhanka caloosha dhiigna uu gudaha uga Furmay.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa gacantooda ku jira sadex muwaadin oo kale oo u dhashay Iiraan iyo markab ay wateen oo la afduubtay sanadkii 2015-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here