Macalinka ugu wanaagsan dunida oo la kulmay Trump

0
441

Macalinka ugu wanaagsan dunida oo la kulmay Trump

Peter Tabichi oo kasoo jeedo dalka Kenya oo horraantii sannadkan loo magacaabay macalinka ugu wanaagsan dunida ayaa aqalka cad kula kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka hor inta uusan macalinkan khudbad ka jeedin shirka golaha Qaramada Midoobey.

Waxaa uu ku guuleystay abaal marinta la siiyo macalinka ugu wanaagsan dunida sannadkan 2019-ka.

Peter Tabichi waxaa uu maadda Seyniska ka dhigaa dugsi sare oo ku yaalla magaalada Nakuru oo dhacdo waqooy galbeed Nairobi.

Sawirka macalinka iyo madaxweynaha Mareykanka markii ay kulmeen, waxaa barta Twitter-ka soo geliyay xoghayaha warfaafinta ee aqalka cad.

View image on Twitter

Xoghayaha warfaafinta aqalka cad ayaa yiri “In ka badan boqolkiiba 80 mushaarkiisa waxaa uu ku caawin jiray ardeyda saboolka ah ee uu wax u dhigi jiray”

Peter Tabichi ayaa lagu wadaa inuu shirka Qaramada Midoobey uga warbixiyo dadaalka uu ku gaaray macalinka ugu wanaagsan dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here