Madaxweynaha Afqanistaan oo ka badbaaday qarax lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay dalkaas.

0
444

Madaxweynaha Afqanistaan oo ka badbaaday qarax lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay dalkaas.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyootay qarax lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacayay dalka Afqanistaan, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Isu soo baxa siyaasadeed ayaa lagu waday inuu khudbad ka jeediyo madaxweynaha Afqanistaan Ashraf Qaani, qaraxa ayaa ka dhacay gobolka Parwan oo dhaco waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Waxaana weerarka ku dhaawacmay 31 qof, qaraxa ayaa la rumeeysan yahay inuu ka dambeeyay qof isa soo miidaamiyay.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah carruur, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Dhinaca kale, qarax ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Kabul, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 qof.

.

Qaraxyadan ka dhacay Afqanistaan ma jirto cid sheegatay ilaa hadda balse ururka Taalibaan ayaa weeraro dhowr ah ka fuliyay dalkaas xilli ay socdaan wadahadalo la doonayo in lagu soo afjarayo dagaallada.

Taalibaan waxay wacad ku mareen inay carqaladeyn doonaan doorashada Afqanistaan ka dheceyso 28-da bisha September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here