Qabanqaabada Soo Dhaweynta RW Kheyre Oo Ka Socota Marka+SAWIRO

0
543

Qabanqaabada Soo Dhaweynta RW Kheyre Oo Ka Socota Marka+SAWIRO

Waxaa magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan halkaas.

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Marka ayaa iminka soo buux dhaafiyay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, kuwaasi oo sita sawirada Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tegayo Marka ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Nabadgelyada ayaa si aad ah u xoojiyay amniga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana shacabka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay qorsheeyeen in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay dadweynaha kula hadlaan Barxadda Minishiibiyada magaalada Marka.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here