Ciidanka Kenya iyo Shabaab oo ku dagaalamay xuduuda labada dal

0
528

Ciidanka Kenya iyo Shabaab oo ku dagaalamay xuduuda labada dal

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab iyo Ciidanka Militariga Kenya ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shalay ku wada dagaalamay xuduuda kala qaybisa dalalka Somaliya iyo Kenya.

Dagaalkan ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Ceel-raam ee duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ka dib markii Ciidanka Kenya ay ka soo baxeen xerada ay ku leeyihiin Ceel-raam.

Ciidanka Kenya oo ku sii jeeday Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa wadada u galay dagaal-yahanada Al Shabaab, waxaana halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Al Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ayaa sheegtay in ay ku dishay sagaal ka mid ah askarta Kenya, halka ay ku gubtay afar ka mid ah gaadiidkii ay la socdeen.

Saraakiisha Militariga Kenya ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyan dagaalka culus, ee labada dhinac ku dhex maray agagaarka deegaanka Ceel-raam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here